Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Uganda ayaa warsaxaafadeed rasmi ah oo Isniintii shalay ay soo saartay ku shaacisay inay bilowday in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku jooga wax ay ugu yeertay heshiis laba-geesood ah oo ay la gashay kooxda riddada Soomaaliya, ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Bayaanka oo uu ku saxiixan yahay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Kampala, ayaa sidoo kale lagu caddeeyey in muddo maamlmo gudahood ah lagu soo gabogabayn doono daabulista ciidamada saliibiyiinta Uganda ee dib loogu celinayo dalkooda.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, Janaraal Chris Magezi, waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ciidamadii ugu horreeyay ee qaybta ka ahaa qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ay durba dib ugu laabteen dalka Uganda.
Warsaxaafadeedka waxa kale oo lagu xaqiijiyay in Uganda ay qorshaynayso inay si tartiib-tartiib ah Soomaaliya ugala baxdo dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa ku hawl-gala magaca AUSSOM, iyadoo la filayo in hawshaasi la dhammaystiro sannadka soo socda ee 2027.
Sida lagu sheegay bayaanka, tallaabadani waxay soo afjari doontaa hawlgalladii ciidamada Uganda ay ka wadeen muddada 20-ka sanno ah, isla markaana saldhigyada ay ka baxayaan ciidamada Uganda ay si buuxda ugu wareejin doonaan maleeshiyaadka riddada.
Go'aankan ayaa ka dhigan in qorshaha Uganda uu yahay in gebi ahaanba ay soo afjarto joogitaankeeda milletari ee Soomaaliya, iyadoo marka hore la dhammaystirayo ka bixitaanka ciidamada ku jooga heshiiska laba geesoodka ah, ka dibna lagu xigsiinayo kuwa AUSSOM.
Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii madaxa DF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu weji-gabax kala kulmay safar uu ku tagay Uganda, kaas oo sida la sheegay uu Yuweri Museveni si cad ugu war-geliyey in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya.
Sidoo kale Museveni ayaa maalintaasi ku gacan-sayray codsi uu Xasan Sheekh u gudbiyey oo ahaa, in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Uganda, sida ay xaqiijisay idaacadda caalamiga ah ee Channel Africa oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika.
Saacado kadib kulankaasi, mid ka mida baraha bulshada ee madaxweynaha Uganda ayaa lagu baahiyey sawir muujinaya Xasan Sheekh oo foorara, gacmahana isku dhejiyey, una rukuucsan Yoweri Museveni, arrintaas oo aad looga carooday, bulshadana dib u xasuusisay maydadkii ciidamada Kenya ee lagu laayay dagaalkii Ceel-cadde, oo uu sidan oo kale ugu rukuucay.
Go’aanka Uganda ay qaadatay, ayaa kusoo aadaya iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay si rasmi ah loo soo afjaray hawl-galka dhinaca siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee UNTMIS, oo in ka badan soddon sano uu ku hawlanaa dhismaha nidaamka DF Soomaaliya.
Idaacadda Kenya ee Capital FM ayaa qirtay in ay jiraan caqabado waaweyn oo dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo hay’adaha dowladda ah, kuwaas oo sida ay sheegtay, su’aal gelinaya awooddooda ku aaddan sii haysashada mas’uuliyadaha lagu wareejiyo.
Ku-simihii madaxa howlgalka UNTMIS ahaana ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa isna sheegay in si kastoo loogu soo tabcay DF, haddana weli ay yihiin kuwo aad u nugul, oo weli ay ku gedaaman yihiin caqabado waaweyn oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda ah.
Sidoo kale tallaabada ciidamada Afrikaantu ay kaga baxayaan Soomaaliya, ayaa imanaysa iyadoo dhanka kalena Maraykanka uu albaabada u laabay saldhiggii ugu weynaa ee uu ku lahaa Soomaaliya ee Balli-doogle, kaas oo agabkii millateri ee ka yaallayna ka dhigay wax uu rartay iyo wax uu gubay.
Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda saliibiyadda Yugaandha ayaa warbaahinta wadankaas uga warramay sida dullinimada leh ee Xasan Gurguurte ugu baryootamay sii joogidda ciidanka Yugaandheyska ah.
"Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xildhibaanadeena baarlamaanka Uganda u sheegay inuu joogitaankiisa xaafiiska kuxiran yahay joogida ciidanka UPDF, Wuxuu kaloo caddeeyay in maalinta ay ciidamada UPDF Soomaaliya ka baxaan ay u badantahay inuusan sii ahaan doonin madaxweyne" Ayuu yiri mid ka mida xildhibaannada Uganda.
Cutubyadii ugu horreeyey oo ka koobnaa 109 askari iyo kuwii ku xigay oo iyagana tiradoodu ay gaareysay 107 askari ayaa galabnimadii Jimcaha iyo gelinkii hore ee Sabtida ka ambabaxay caasimadda Muqdisho, kadib markii taliyaha guud ee ciidamada Uganda uu habeenkii jimcaha ku dhawaaqay in 20 sano oo naf-bax iyo dhiig-bax ah kadib ay bilaabeen in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya.
Sida uu shalay xusay wargeyska The Washington Post, ciidamada Uganda oo Soomaaliya galay 2007-dii, ayaa la kulmay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan, inkastoo mas’uuliyiinta Uganda aysan si rasmi ah warbaahinta ugu soo bandhigin tirada saxda ah ee kaga le’atay gudaha Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee isbahaysiga AUSSOM, Janaraal Sam Kavuma, ayaa isagoo walaac xooggan muujinaya waxa uu ka digay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iidaysan doonaan, xilliga kala-guurka ee ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya.
Ku dhawaad laba bilood ka hor ayey ahayd, markii la waydiiyey, su’aal u dhignayd, maxaa sababay in muddo 20 sano ah la loodin kari waayo minjtidiinta Al-Shabaab, mala odhan karaa se, waxay isku diyaariyeen inay ka faa’iidaystaan kala-guurka AUSSOM?
Janaraal Kavuma, waxa uu yiri "Haddii aan si toos ah uga jawaabo su’aashaada ah, maxay tahay sababta, kaddib tobannaan sano oo uu Midowga Afrika Soomaaliya joogay, Al-Shabaab ay weli u tahay khatar? Haa, weli waa khatar jirta oo aan indhaha laga laaban karin, waayo Al-Shabaab waxay ku dagaallantaa caqiido,….”
Waxa kale oo uu intaas sii raaciyey "Sidaas darteed ma aqaan waxa ay qorsheynayaan hadda, laakiin hore ayay ula wareegeen saldhigyo ay ka baxeen ciidamada Midowga Afrika. Waxaanan u malaynayaa inay weli sidaas ay samayn karaan. Waayo, dagaalyahan kasta oo ku jira dagaal ama colaad wuxuu mar walba ka faa’iidaystaa fursad kasta oo soo baxda. Boqolkiiba-boqol, ma hubo, laakiin waxaan aaminsanahay inay sidaas samayn doonaan, maadaama ay horeyba u sameeyeen.”
Telefishanka caalamiga ah ee France 24, ayaa arrimahan la xiriira bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, waxa uu shalay wax ka waydiiyey nin lagu magacaabo Anwar Bashiir oo ah agaasimaha fulinta ee Machadka East Africa Institute for Peace and Governance.
Su’aalaha ninkaasi la hor-dhigay, waxaa ka mid ahaa: Maxay Uganda xilligan uga baxaysaa Soomaaliya? Sideese arrintani ula xiriirtaa hoos u dhaca muuqda ee taageerada caalamiga ah, iyadoo weliba ciidamada Afrikaanta iyo kuwa dowladdu ay wajahayaan dhibaatooyin dhinaca amniga ah?
Anwar, waxa uu yiri "Ciidamada Afrikaanta, gaar ahaan ciidamada Uganda, waxay Soomaaliya joogeen tan iyo sannadkii 2007-dii, muddo ku dhow labaatan sano. Hase yeeshee, markan, sababo ay ka mid yihiin dhaqaale xumo iyo caqabado dhanka maalgelinta ah, ayay go'aansadeen inay dalka uga baxaan. Mana aha oo keliya ciidamada Midowga Afrika, balse sidoo kale xafiiska Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor albaabada la iskugu dhuftay, sababo badan awgood.”
Waxa kale oo uu intaas ku daray "Waxaana ka mida dhaqaale-yari, gaar ahaan taageeradii ka iman jirtay Mareykanka. Iyadoo waxyaabaha abuuray caqabadaha dhaqaale ay ka mid yihiin dagaallada ka socda Ukraine iyo Ruushka, iyo sidoo kale dagaalka Bariga Dhexe. Sidaas darteed, sababo ay ka mid yihiin caqabadahaasi dhaqaale ayay Uganda u billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Mana aha Uganda oo keliya, balse Itoobiya ayaa iyaduna qorshaynaysa inay ciidamadeeda ay la baxdo.”
Maxay tallaabadani uga dhigantahay DF Soomaaliya? Diyaar se ma u tahay in iyadu ay hoggaanka u qabato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyadoo aan helayn taageero dibadeed? Ayaa mar kale la waydiiyey Anwar Bashiir, waxaaanu si cad u tilmaamay in aysan u muuqan maleeshiyaad awood u leh la-wareegista iyo sii-haysashada saldhigyada ay faarujiyaan ciidamada shisheeye.
Suxufi la shaqayn jiray warbaahin laga leeyahay Maraykanka, ayaa shalay mar uu bartiisa X/Twitter, ku falanqeynayay isbedellada ka socda Soomaaliya waxa uu si cad u sheegay in magaalooyinka ay ka mid yihiin Baraawe, Marka, Buulo Mareer, Jannaale iyo Qoryooley ay qarka u saaran yihiin in gacan-ku-heyntooda ay la wareegi doonto kooxda Al-Shabaab.
Wakaaladda Wararka AFP, ayaa warbixin ay baahisay Isniintii ku sheegtay, in kala-guurku uu kusoo aadayo xilli kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab ay si weyn u korortay awooddoodu, isla markaana ay sii xoojiyeen hawl-galladooda.
AFP, waxay tusaale u soo qaadatay weerarkii usbuuc ka hor ka dhacay agagaarka Leego, kaas oo ay ku tilmaantay mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii u dambeeyay lagu qaado ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxay xustay warbixintu iyadoo soo xiganaysa warsaxaafadeedkii kasoo baxay taliska millateriga ee mintidiinta, in weerarkaasi lagu laayay boqollaal ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo intaas ku dartay in kooxda Villa Soomaaliya ay diidday inay sheegto tirada askarta ka dhimatay.
Matt Bryden, oo ah falanqeeye, isla markaana ka mid ah aasaasayaasha hay'adda cilmi-baarista ee Sahan, kana faallooda Soomaaliya, ayay AFP, wax ka waydiisay, xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, iyo masiirka DF Soomaaliya.
"Waxaa si cad u muuqata in ciidanka Soomaaliya uusan awoodin inuu dhul ka taliyo ama xitaa ilaaliyo caasimadda, waxaan filan karnaa burbur buuxa oo ku yimaada dowladda federaalka, waxaana suuragal ah in Al-Shabaab ay la wareegto Muqdisho…” Ayuu yiri yiri Matt Bryden.
Falanqeeya dhinaca siyaasadda ah oo u dhashay Kenya, laguna magacaabo Oduk Miyoma, ayaa isna maqaal uu shalay baahiyey, kaga digay isbeddellada ku socda joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, isaga oo walaac ka muujinaya in bixitaanka ciidamadaas uu kooxda Al-Shabaab u abuuri karo fursad ay kula wareegto dalka Soomaaliya.
Waxa carrabka ku dhuftay in tirada ciidamada Uganda ay hadda kala baxayso Soomaaliya ay gaarayaan ilaa 12,000 askari, halka ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya uu sheegay in iyagana boorsooyinkoodu ay u xirxiran yihiin, isagoo intaa ku daray in Maraykanku uu banneeyey saldhigga Balli-doogle, saraakiisha Turkiduna cago buuran aysan ku taagnayn.
Intaas kagadaal, falanqeeyahani waxa uu kula taliyey dowladda Kenya, inay dedejiso dhismaha xayndaab-xuduudeed bir ah oo laga hir-geliyo soohdin-beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya, si looga hortago, ayuu yiri, weerarrada kooxda Al-Shabaab.
"Waxaan ku talinayaa in la dhiso derbi bir ah oo adag, kaas oo leh laba marin oo laga soo galo, laguna ilaaliyo kormeerka iyo la-socodka amniga, iyadoo ay dusha ka joogaan ciidamadeenna milatariga…” Ayuu yiri falanqeeye Oduk Miyoma.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Mararka qaarkood, waxaan ka hinaasaa dalalka aan xuduud la wadaagin Soomaaliya….” Isagoo ula jeeda, in jaarnimada Soomaaliya ay halis ku tahay Kenya, maadaama gudaha dalkaasi ay ka jirto cabsi xooggan oo laga qabo mintidiinta Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo, xaalka DF Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey aad uga sii daray, halka AUSSOM lafteedu ay walaac xooggan ka muujisey bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, gaar ahaan gacan-ku-heynta degmooyinkii ay joogeen ee gobolka Shabeellaha hoose.
Sida shalay ay sheegtay Reuters, warqad lagu muujiyey welwelka xooggen ee ka jira Shabeellaha hoose ayay AUSSOM ay sabtidii lasoo dhaafay oo taariikhdu ku beegnayd 31-kii October 2026, u dirtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada ciidamada Afrikaanta ee UNSOS.
Warqaddan oo ay xaqiijiyeen laba diblomaasi, ayuu hawl-galka AUSSOM kaga digay, in bixitaanka ciidamada Uganda uu qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose u horseedi karo inay si fudud ugu soo ruqaansadaan mintidiintu.
Guntii iyo gunaanadkii waxaa xusid mudan in ciidamada Uganda ee sida kediska ah daad-gurayntoodu uga bilaabantay Soomaaliya ay yihiin ciidamadii la doonayay inay sii joogaan dalka, kadib marka ay baxaan ciidamada ku hawl-gala magaca AUSSOM.
